Naf-lahadalkaagu (Self-talk)


 Naf-lahadalkaagu (Self-talk) wuxuu go’aamiyaa adduun-aragaaga (Mind set). Sida aad naftaada ula hadashid iyo erayada aad adeegsatid marka aad adigu naftaada la hadlaysid waxay sameeyaan guud ahaan dabeecadahaaga iyo dhaqmadaada. Ixtiraamka aad naftaada iyo jirkaaga u haysid waxaa qaabeeya sida aad naftaada ula hadashid. Ixtiraamka ay dadka kale ku ixtiraamayaan iyo kalsoonida ay ku siinayaan waxay ku xiran tahay hadba inta uu le’eg yahay ixtiraamka iyo kalsoonida aad naftaada ku qabtid. Haddii aad dadka ixtiraam iyo qaddarin siisid, balse aadan adigu naftaadan ixtiraamin, laf cad baad toobin ku haysaa, ee dadka ixtiraam ha ka sugin, sababtoo ah asalku waa adiga!

Sidaa awgeed, waa muhiim inaad ku baraarugsanaatid ahmiyadda iyo awoodda sida aad naftaada ula hadashid ku leedahay guud ahaan noloshaada. U kuur gal oo si fiican ula soco naftaada. Ka war haynta naftaada badi. Xilliyada aad caajiska, murugada, niyad jabka, cabsida iyo dareennada taban dareemaysid waa xilliyada ugu habboon ee aad wax badan naftaada ka ogaan kartid. Waa xilliyada badanaa aynu nafaheenna sida liidata ula hadalno, sidoo kalana uu qofku masawirka liita uu naftiisa ka aamino. Isku day inaad diiwaan galisd dhammaan erayada iyo hababka taban ee aad naftaada ula hadashid. Kaddibna tallaabo qaad ku baddalaysid.

Comments

Popular posts from this blog

Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay,

Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan”

Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad