Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay,
Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay, sababtoo ah inaad naftaada runta usheegtid waxay ka dhigan tahay inaad qiratid waxyaalaha qaar ee noloshaada ka dhacaya inaad adigu masuul ka tahay. Inaad naftaada runta usheegtid waxay ka dhigan tahay inaad aamintid inaadan dhammaystirnayn, oo waxyaalaha aad dadka kale umuujisid ama tustid ee aadiga kugu saabsan qaarkood ay fake yihiin. Yacni, inaad dadka iskaga dhigtid qof aadan ahayn.
Marka aad naftaada run iyo daacadnimo kula noolaatid, waxaad bilaabaysaa inaad naftaad aamintid oo aad ku kalsoonaatid. Inaad naftaada jeclaatid oo aad u cududaartid. Sababtoo ah inaad naftaad been iyo dhalanteed ku maaweelinaysid waxay ka dhigan tahay inaad naftaada khiyaamaysid. Meel khiyaano ay timidna kalsooni ma imaan karto. Inaad naftaada aamintid waxay kuu horseedaysaa inaad qawl yeelatid, oo wixii aad tiraahdid waan samaynayaa aad ka dhabaysid oo aad samaysid. Marka horaba naftaada been uma sheegaysid oo wax aadan awoodin qabashadooda oran maysid waan qabanayaa. Waxaadan jeclayn oran maysid waan jeclahay. Wax aad diidan tahay oran maysid waan doonayaa. Waxaad doonaysidna oran maysid waan diidanahay.
Waa muhiim inaad naftaada run iyo xaqiiqo kula noolaatid, si kastoo runtaasi ay uxanuun badan tahay. Ogoow oo baro waxyaalaha khiyaaliga iyo beenaha ah ee aad naftaada ku maaweelisid, kaddibna falankeeda gal sidii aad run iyo daacadnimo ugu baddali lahayd.
Comments
Post a Comment