Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan”


 Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan” waxaad naftaada ku tiraahdaa “Waxaan dareemayaa murugo”. Dareennadaada iyo shucuurtaadu kuma qeexaan. Dareennadaadu adigay kaa yimaadaan ee adigu iyaga kama timaaddid.

Murugada, cabsida iyo dareen kastoo aad dareemaysid ma ahan abadi, oo muddo kooban buu kula joogaayaaa. Waxa aad dareemaysid aqbal oo ha iska mashquulin dareenadaada. Daryeelka iyo jacaylka naftu wuxuu ka bilowdaa in aadan dareennadaada ka cararin, ee aad soo dhawaysid. Balse maahan in dareenadaadu ku qeexaan. Haddii aad caajis dareemaysid maahan inaad caajis badni isku sifaysid. Waxaad dareemaysaa caajis, ee caajiska laftigiisa ma tihid. Sababtoo ah muddo kaddib firfircooni iyo nashaad baad dareemi kartaa. Haddii aad hoosayn iyo kalsooni darro dareemaysid, ma tihid qof hooseeya oo liidan, balse waxaad waqtigaas dareemaysaa hoosayn iyo kalsooni darro. Waana wax caadi ah.
Maalinta aysan kuu fadhin oo aysan xaaladuhu iskugu kaa aadanayn, waa macquul inaadan xasilooni gudeed helin. Balse joogto ma ahan. Waxaa laga yaabaa maalinta ku xigta inaad dareentid dareen togan oo gabi ahaanba ka wanaagsan midkii aad waqtigaas dareemaysay.
Shucuurtaada iyo dareennadaada sida murugada, cabsida, hoosaynta iyo dareemidda dareennada taban oo dhan kuma qeexi karaan. Sida daraadeed ha kuu kala soocnaadeen waxa aad dareemaysid iyo qofka aad tahay. Marnaba ha noqon emotions-kaaga, waayo ma tihid!

Comments

Popular posts from this blog

Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay,

Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad