Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad


 Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad wax kasta aynu ku qabsan karno. Halka maalmaha qaar caajis dartii ay inagu adkaato in xittaa sariita aynu ka kacno. Maalamahaas aynu caajiska dareemayno waxaa hoos udhacda kalsoonida aynu nafaheenna ku qabno, waxaana dareennaa in nolosheennu sii madoobaanayso, oo ujeeddadii iyo macnihii nolosha luminayno.

Waa muhiim in aynu nafaheenna xasuusinno in maalamahaas caajisku ina hayo ay qayb ka yihiin nolosha. In aysan astaan u ahayn fashilka, oo qof kastoo banii’aadam ah ay maalmahaasi soo maraan. Maalin walba firfircooni ma dadreemi karno. Maalin kasta nolosha siday tahay ugama faa’idaysan karno. Waxaa jira maalaha qaar oo jirkeenna iyo maskaxdeenuba daallan yihiin oo ay nasiino ubaahan yihiin.
Waa wax caadi ah in aynu daal iyo niyad jab dareenno maalmaha qaar. Waana in aynu nasiino helnaa maalmahaas. Waa in aynu aqbalno dhammaan maalmaha kala duwan ee nolosha. Waa in aan nafaheena u turnaa, unaxariisannaa oo aynaan ciqaabin maadamaa aynu maalmaha qaar si wax waxtar leh uga faa’idaysan waynay.

Comments

Popular posts from this blog

Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay,

Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan”