Posts

Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay,

Image
  Naftaada inaad runta usheegtid aad bay ucabsi iyo argagax badan tahay, sababtoo ah inaad naftaada runta usheegtid waxay ka dhigan tahay inaad qiratid waxyaalaha qaar ee noloshaada ka dhacaya inaad adigu masuul ka tahay. Inaad naftaada runta usheegtid waxay ka dhigan tahay inaad aamintid inaadan dhammaystirnayn, oo waxyaalaha aad dadka kale umuujisid ama tustid ee aadiga kugu saabsan qaarkood ay fake yihiin. Yacni, inaad dadka iskaga dhigtid qof aadan ahayn. Marka aad naftaada run iyo daacadnimo kula noolaatid, waxaad bilaabaysaa inaad naftaad aamintid oo aad ku kalsoonaatid. Inaad naftaada jeclaatid oo aad u cududaartid. Sababtoo ah inaad naftaad been iyo dhalanteed ku maaweelinaysid waxay ka dhigan tahay inaad naftaada khiyaamaysid. Meel khiyaano ay timidna kalsooni ma imaan karto. Inaad naftaada aamintid waxay kuu horseedaysaa inaad qawl yeelatid, oo wixii aad tiraahdid waan samaynayaa aad ka dhabaysid oo aad samaysid. Marka horaba naftaada been uma sheegaysid oo wax aadan aw...

Naf-lahadalkaagu (Self-talk)

Image
  Naf-lahadalkaagu (Self-talk) wuxuu go’aamiyaa adduun-aragaaga (Mind set). Sida aad naftaada ula hadashid iyo erayada aad adeegsatid marka aad adigu naftaada la hadlaysid waxay sameeyaan guud ahaan dabeecadahaaga iyo dhaqmadaada. Ixtiraamka aad naftaada iyo jirkaaga u haysid waxaa qaabeeya sida aad naftaada ula hadashid. Ixtiraamka ay dadka kale ku ixtiraamayaan iyo kalsoonida ay ku siinayaan waxay ku xiran tahay hadba inta uu le’eg yahay ixtiraamka iyo kalsoonida aad naftaada ku qabtid. Haddii aad dadka ixtiraam iyo qaddarin siisid, balse aadan adigu naftaadan ixtiraamin, laf cad baad toobin ku haysaa, ee dadka ixtiraam ha ka sugin, sababtoo ah asalku waa adiga! Sidaa awgeed, waa muhiim inaad ku baraarugsanaatid ahmiyadda iyo awoodda sida aad naftaada ula hadashid ku leedahay guud ahaan noloshaada. U kuur gal oo si fiican ula soco naftaada. Ka war haynta naftaada badi. Xilliyada aad caajiska, murugada, niyad jabka, cabsida iyo dareennada taban dareemaysid waa xilliyada ugu habboo...

Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan”

Image
  Intii aad naftaada ku oran lahayd “Waxaan ahay qof murugo badan” waxaad naftaada ku tiraahdaa “Waxaan dareemayaa murugo”. Dareennadaada iyo shucuurtaadu kuma qeexaan. Dareennadaadu adigay kaa yimaadaan ee adigu iyaga kama timaaddid. Murugada, cabsida iyo dareen kastoo aad dareemaysid ma ahan abadi, oo muddo kooban buu kula joogaayaaa. Waxa aad dareemaysid aqbal oo ha iska mashquulin dareenadaada. Daryeelka iyo jacaylka naftu wuxuu ka bilowdaa in aadan dareennadaada ka cararin, ee aad soo dhawaysid. Balse maahan in dareenadaadu ku qeexaan. Haddii aad caajis dareemaysid maahan inaad caajis badni isku sifaysid. Waxaad dareemaysaa caajis, ee caajiska laftigiisa ma tihid. Sababtoo ah muddo kaddib firfircooni iyo nashaad baad dareemi kartaa. Haddii aad hoosayn iyo kalsooni darro dareemaysid, ma tihid qof hooseeya oo liidan, balse waxaad waqtigaas dareemaysaa hoosayn iyo kalsooni darro. Waana wax caadi ah. Maalinta aysan kuu fadhin oo aysan xaaladuhu iskugu kaa aadanayn, waa macquul in...

Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad

Image
  Maalmaha qaar waxaan dareennaa firfircooni iyo xamaasad wax kasta aynu ku qabsan karno. Halka maalmaha qaar caajis dartii ay inagu adkaato in xittaa sariita aynu ka kacno. Maalamahaas aynu caajiska dareemayno waxaa hoos udhacda kalsoonida aynu nafaheenna ku qabno, waxaana dareennaa in nolosheennu sii madoobaanayso, oo ujeeddadii iyo macnihii nolosha luminayno. Waa muhiim in aynu nafaheenna xasuusinno in maalamahaas caajisku ina hayo ay qayb ka yihiin nolosha. In aysan astaan u ahayn fashilka, oo qof kastoo banii’aadam ah ay maalmahaasi soo maraan. Maalin walba firfircooni ma dadreemi karno. Maalin kasta nolosha siday tahay ugama faa’idaysan karno. Waxaa jira maalaha qaar oo jirkeenna iyo maskaxdeenuba daallan yihiin oo ay nasiino ubaahan yihiin. Waa wax caadi ah in aynu daal iyo niyad jab dareenno maalmaha qaar. Waana in aynu nasiino helnaa maalmahaas. Waa in aynu aqbalno dhammaan maalmaha kala duwan ee nolosha. Waa in aan nafaheena u turnaa, unaxariisannaa oo aynaan ciqaabin maa...